Mandheera, Kenya (Puntland Post) — Xubin ka mid ah dhaq-dhaqaaqa Al-shabaab ayaa la sheegayaa inuu ku dhintay dhowrna ay ku dhaawacmeen qarax miino oo ay ku diyaarinayereen nawaaxiga degmada Mandheera ee gobolka waqooyi bari Kenya.
Afhayeen u hadlay boliiska Kenya ayaa sheegay inay weerarkan u maleegayeen dadka shacabka ah oo uu ku sheegay mid aargoosi ah,markii ay malleeshiyaadu ku guul darraysatay todobaadkii tegey inay waxyeelleeyaan dad rakaab ahaa oo isugu jiray Muslimiin iyo Masiixiyiin.
Markii ay malleeshiyadu xaqiiqsadeen in saraakiil ka tirsan Ciidamada Difaaca Kenya iyo bilayska maxaliga ah ay ku soo wajahan yihiin, waxay isku dayeen inay si deg-deg ah ku dhigaan qaraxa, taasoo keenya inuu si dhaqsi uu ula qarxo waxyaabihii ay aasayeen,ayuu yiri af-hayeenku.
Dagaal yahannadii goobta ku dhaawacmay ayaa la sheegayaa iney qaateen ciidamada difaaca Kenya ee KDF-ta loo yaqaan,waxaan soconayo baaritaanno arrintaasi la xiriira sida ay sheegeen sraakiisha Kenya ee ku sugan Mandheera.
Isniintii aynu ka soo gudubnay ayay ahayd markii dad rakaab ahaa oo ka koobnaa Muslimiin iyo Masiixiyiin ay gacanta ku dhigeen dableey hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab,iyagoo damcay inay musaafurka ku kala soocaan Diimahooda taasoo ay ku gacan sayreen dadkii Islaamka ahaa ee la socday Gaariga Baska ah.