Wasaaradda difaaca Kenya oo bogaadisay ciidanka ka Jooga Soomaaliya

Kismayu-(Puntland post)-Taliyaha guud ee ciidamada Milatariga dalka Kenya General Samson Mwathethe ayaa bogaadin u jeediyay ciidamada difaaca KDF ee ku sugan Soomaaliya,kuwaasoo qeyb ka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.

General Mwathethe ayaa ciidanka Kenya ku amaanay howsha wanaagsan ee ay halkaas ka qabteen intii ay joogeen, isagoo ku boorriyay in ay sii amba qaadaan waajibaadkooda qaran ee ka saran la dagaallanka Al-shabaab.

Hadalkaan ayuu abaan-duulaha ciidamada difaaca dalka Kenya ka sheegay magaalada Kismayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, halkaasoo uu shalay ku booqday cutubyo ka tirsan Milatariga Kenya ee qaybta ka ah Amisom.

Generaalka ayaa tiro badan oo ka mid ah ciidanka Kenya khudbad ugu jeediyay gudaha garoonka diyaaradaha ee magaalo xeebeedka Kismayo,wuxuuna ku ammaanay khatarta ay u bareereen ciidan ahaan iyo shaqsi ahaan iney tahay mid weyn,welina looga baahanyahay dedaallo dheeraad ah oo howshooda la xiriira.

Ciidamada difaaca Kenya ayaa Soomaaliya soo galay bishii October ee 2011-kii,iyagoo dagaallo xooggan kula galay gobollada Jubbooyinka iyo Gedo Ururka Al-shabaab oo inta badan maamulayay Koofurta Soomaaliya.