Muqdisho- (Puntland Post)- Maxamed Cali Maxamed (Fareey) oo ahaa u qaabbilsanaha Al-shabaab ee gobollda Baay, Bakool iyo Gedo ayaa la sheegayaa inuu isu dhiibay ciidamada dowladda Soomaliya ee ku sugan magaalada Luuq.
Saraakiisha ciidamada xoogga dalka gobolka Gedo ayaa warbaahinta u sheegay inuu horjoogahan ka soo baxsaday ururka Al-shabaab markii uu iyaga xiriir qarsoodi lasoo sameeyay maalmo ka hor,haatanna ay u suurto gashay inuu kasoo goosto.
Horjooge Fareey ayaa loo soo gudbiyay laamaha ammaanka gobolka Banaadir si waraysiyo dheeri ah looga qaado,maaddaama uu hayo xogo muhiim ah oo la xiriira sirta gaarka ah ee Ururka Al-shabaab oo uu horay ugu tirsanaa.
Dhawaan ayay ahayd markii Sakariye Ismaaciil Xersi oo ka mid ahaa Saraakiisha Ururka Al-Shabaab uu isku soo dhiibay maamulka gobolka Gedo ee dowladda Soomaaliya,islamarkaana loo soo masaafuriyay magaalada Muqdisho.