Ra’aysulwasaare ku xigeenka dalka oo ka hadlay doorashooyinka soo socda

Muqdisho-(Puntland post)-Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in 2016 dalka ay ka dhici doonto doorashooyin lagu wada qanco Umadda saamiga awood qeebsiguna lagu saleyn doono caddaalad.

Maxamed Cumar ayaa tilmaamay in dhowr iyo labaatan hindiso sharciyeed ay xukuumaddu u gudbisay Baarlamaanka Soomaaliya,howlo badanna ay qabteen,wuxuuna sheegay in dowladda badali doonta midda haatan shaqeeneysa ay ka dhaxli doonto wanaag iyo howllo badan oo laga sii fududeeyay.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Maxmed Cumar Carte ayaa ku nuux-nuuxsaday inay ku hawlan yihiin horumar ay ku talaabsato umadda Soomaaliyeed,wuxuuna codsaday in xukuumadda lagu garab istaago shaqada adag ee ay bulshada u hayso.