Odayaasha Hiiraan oo qaaddacay shirka Jowhar iyo Xasan sheikh oo u yeeray

Beled-weyne-(Puntland post)-Qaar ka mida duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa ku gacan sayray shirka la doonayo inuu dhawaan ka furmo magaalada Jowhar,kaasoo muul loogu samaynayo gobollada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe.

Shir jaraa’id oo ay magaalada Beled-weyne ku qabteen Odayaal iyo wax garad halkaasi ka soo jeeda ayaa shaaca ka qaaday inuu madaxweyne Xasan sheekh kaga baxay ballan uu galay,isla maraana uu saddex nin codkooda uu gatay lana tagay Muqdisho.

Odayaasha ayaa sheegay in Hiiraan uu ka haray gobolladii ay dowladdii kacaanku kala jar-jartay,hormuudna uu u ahaa xornimadii iyo halgenkii Soomaaliya, haatanna aysan oggolaan doonin in gobolka la iibsado.

Hadalkan ayaa sababay in uu madaxweyne Xasan dalbado in loo keeno xubno ka mid ah duubababka dhaqanka Beled-weyne ,si laysula meel dhigo inay ka bogsadaan cuqaashu waxa ay dowladda ka tabanayaan.

Arrintan ayaa imanaysa xilli uu Madaxweynuhu shaaciyay in laga heshiiyay murankii ka dhex taagnaa Hiiraan iyo Shabeellada dhexe,iyadoo magaalada Jowharna ay isu diyaarineyso marti gelinta shirka labada gobol.