Maamulka Shabeellada dhexe oo beeniyay in la joojiyay Indha-shareerka

Jowhar-(Puntland post)-Ku simaha guddoomiyaha gobolka Shabeellaha dhexe Sheekh Abuukar Cali Maqaneey ayaa beeniyay warar sheegaya in maamulka gobolka uu mamnuucay qaadashada Indha shareerka, xilli jowhar ay  isu diyaarinayso marti gelinta shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Mr Maqaney ayaa sheegay in warkaas uu gaar ku yahay agaasimaha warfaafinta Shabeellada dhexe balse uusan ahayn go’aan wada jir ah oo ka soo baxay maamulka Gobolka, isla markaana aanay waxba ka jirin, wuxuuna intaa raaciyay inuu kaca cudur daarayo dad weynaha.

“Annaga dad islaam ayaa nahay, indha shareerka wax la joojiyay ma lahan, guddoomiyaha gobolka wuxuu howl shaqo ugu maqan yahay magaalada Muqdisho, anigaa hadda Ku simaha ah, warkaas waa arrin lagu fududaaday, waana lagula xisaabtamayaa agaasimaha warkaas”ayuu yiri Sheekh Abuukar.

Magaalada Jowhar ayaa lagu wadaa in dhowaan lagu qabto shirka maamul u sameynta ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaana magaalada ka socday diyaar garoow xooggan oo ku aaddan sugidda ammaanka iyo soo nooleynta bilicda magaalada.