Baydhabo (Puntland Post) — Maamul goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa ka soo horjeestay maamul lagu magacaabo Bakool sare oo looga dhawaaqay degmada Ceelbarde.
Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koofur Galbeed Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegay in maamulka looga dhawaaqay Ceelbarde uu yahay mid sharci darro ah, isla markaana aysan marnaba oggolaan doonin waxa halkaa ka socda.
Mas’uuliyiin iyo siyaasiyiin ka soo jeeda halkaas ayaa maalmahanba abaabul xooggan ugu jiray sidii ay gooni ugu noqon lahaayeen maamulka Koofur-Galbeed Soomaaliya, iyadoo ay shalayna magaalada Ceel Berde kaga dhawaaqeen maamulka Bakool-Sare, kaas oo madaxweyne loogu doortay Axmed Maxamed Mashruuc, halka madaxweyne kuxigeenna laga dhigay Cabdullaahi Sahal Nirig.
Madaxda ka qeyb gashay munaasabadii lagu dhisay maamulkaas waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Cabdiwahaab Ugaas Xusseen, Xildhibaan Maxamed Aabi, Xildhibaan Sanyare iyo Wasiirkii hore ee Maaliyada Xuseen Cabdi Xalane.
Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka kana soo jeeda Ceel Barde, Caato iyo Yeed ayaa la sheegay inay yihiin maskaxdii ka dambeysay maamulkaas, waxaana lagu dhisay tabasho ay ka qabaan maamulka Koofur Galbeed oo la sheegay in dadkii deegaanadaas ka soo jeeday aan laga qeyb gelin.