Nairobi-(PP)-Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay soo dhaweynayso kala qaybsanaanta ku timi ururka Al-shabaab oo ay dagaallo xooggan kula jirto sanadihii afartii sano ee ugu dambaysay.
Wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Joseph Nkaissery ayaa sheegay in kala jabka Kooxdu ay tahaya guul laga gaaray howlgalka Midowga Afrika ee Soomaliya,isagoo u soo jeediyay inay ka faa’iideysato Amisom inta ay jirto xurgufta u dhexeysa garabyada Al-shabaab ee kala taageersan Al-qaacidda iyo Daacish.
“Dhab ahaan Al-shabaab waxay u qaybsan tahay laba garab, garab ka mid ah wuxuu taageeraa Al-Qaacida iyo ISIS, taasina waa muujinayso in fursad weyn ay jirto. Kala-qaybsanaantuna waa in dhaqan cusub ay la yimaadaan,” ayuu Joseph hadalkiisa ku daray.
Wasiirka arrimaha gudaha Kenya oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Nairobi ayaa ugu baaqay xukuumadda Kenya inay si dhow isha ugu haysto xubnaha loo maleynayo inay ku biireen ISIS ee horay ugu tirsanaa Al-shabaab.
Joseph Nkaissery ayaa ugu dambayntii xusay inay dadaal badan ku bixin doonaan sidii shacabka ku nool deegaannada xeebta dalka Kenya ay u heli lahaayeen nabadgalyo buuxda.
Puntlandpost.com