Kenya oo adkaysay ammaanka Lamu ka dib weerarradii shalay

Lamu-Kenya (Puntland Post) – Laamaha ammaanka dalka Kenya ayaa sheegay inay aad u adkeeyeen nabad gelyada,ka dib weerar shalay lagu qaaday kolonyo ciidanka Boliiska ay lahaayeen,halkaasoo uu ku dhintay sarkaal ka tirsanaa qaybta maamulka.

Sarkaalka ayaa geeriyooday markii baabuurkiisa ay miino kula kacday waddada dheer ee Hindi-Bodhei,taasoo kala barta degaan xeebeedka Lamu iyo magaalada Gaarisa xilli ay ku guda jireen debaal degga maalinta Ciidda Kirismaska.

Weerarro dhowr ah oo si xig-xigay ayaa ka dhacay degaanno ka tirsan gobolka Lamu Kenya halkaasoo sida la sheegay ay ku geeriyoodeen Askarkar tobaneeyo kor u dhaafaysa.

Agaasimaha howlgalka degaanka Linda Boni Mr James ole Serian ayaa sheegay in marka laga reebo sarkaalka dhintay,qof kale uusan ku waxyeelloobin,kuna raadjoogaan kooxaha weerarka geystay oo fariisin u ah kaymaha Boni.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay weerarrada weerarradaasi,waxayna ballan qaadeen iney sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan dowladda Kenya inta ay ciidamo kaga sugan yihiin gudaha dalka Soomaaliya.