Jen. Cali “Gaab” oo beeniyay in uu jirdil u geystay guddoomiyaha Xamar-Weyne

Muqdisho (Puntland Post) — Taliyaha booliska gobolka Banaadir Jen. Cali “Gaab” Xirsi Barre ayaa beeniyay in uu jirdil u geystay guddoomiyaha degmada Xamar-Weyne Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir.

Cali gaab ayaa sheegay in uu fulinayay amar ka soo baxay madaxda ka sareysa balse uusan wax gacan ka hadal ah ama handadaad kale uusan kula kicin guddoomiyaha degmada Xamar Weyne iyo qof kale toona, islamarkaana uu tix galin u haayo.

“Maya aniga nin jeneraal ah oo lixdan jir ah, afartan sano ciidamada ka soo shaqeeyey ayaan ahay, aniga haddaan wax ba’shay iyo haddaan wax saxay ba waxa aan ku soo celiyay gacanta dowladda xaruntii wakaaladda filimada Soomaaliyeed, ma feerin ma jirdilin, balse waxa aan fuliyey amarka madaxdeyda ee ah in laga saaro dadkii deggenaa dhismihii dowlada” ayuu yiri Jeneraal Cali “Gaab”.

Cali “Gaab” ayaa sheegay in uu raalli gelinayo haddii uu wax tabanayo guddoomiyuhu, waxa uuna ku tilmaamay hadalladiisa kuwo caro ay ka keentay isagana uusan waxba u qabin.

 
Guddoomiyaha Xamar-weyne Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir ayaa sheegay in taliyaha ciidamada Booliska gobolka Banaadir Jeneraal Cali gaab uu Jir dil u geystay,xilli ay ka soo ashtakoodeen dadkii laga saarayay Wakaaladdii Filimada Soomaaliyeed.

 

 

 

Puntlandpost.com