Muqdisho (Puntland Post) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay gabdho la hadal hayey in loo diri doono dalka Sacuudiga, kuwaas oo jaariyado ka noqon doona guryaha Carbeed.
Shaqaalahaan gabdhaha ah ayaa dhowr bilood ka hor waxaa Sacuudiga ka iibisay dawaladda Soomaaliya kaddib kulan ka dhacay Riyaadh, iyada oo haatan loo diyaariyey dhowr kun oo hablood.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Cismaan Libaax Ibraahim, ayaa sheegay in Wasaaraddiisu ay waddo qorsheyaal shaqo lagu siinayo shaqaalaha dowladda iyo kuwa madaxa banaan. “Waxaa meel wanaagsan inoo maraya dadaallada aan ku doonayno in aan shaqaale badan ugu dirno Sacuudiga” ayuu yiri wasiir ku xigeenku.
Gabdhahaan loo dhoofinayo Sacuudiga, ayaa aqoonyahanno badan ay sheegeen in ay ka cabsi qabaan in xadgudubyo ay kala kulmaan ragga ay u shaqeynayaan ee Sacuudiyaanka ah, sida marar badan ay ugu geysteen ajaaniibta kale ee dalkaas ka shaqeeya.
Waxgaradka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Sucuudiga ayaa dhowaan si wayn uga hadlay halista ku xeeran in gabdho Soomaaliyeed la geeyo Sucuudiga, iyaga oo sheegay in ay taasi ka danbaysay markii dhammaan waddamadii saboolka ahaa ay sucuudiga u diideen in ay siiyaan dumar u shaqeeya.
You must be logged in to post a comment.