Muqdisho-(Puntland post)-Ganacsatada magaalada Muqdisho ayaa looga digay in aysan Dekedda ka soo dejin bedeecooyinka dhacay oo horay dalka u iman jiray.
Shirkadda Bolakoon oo qaabbilsan ka hor tagga waxyaabaha dhacay iyo qiimaynta tayada Badeecadaha kana ka hawl-gasha Marsada weyn ee Xamar ,ayaa manta soo bandhigtay Shukulaato uu waqtigeedu dhamaaday,taasoo ay ku wareejiyeen laamaha ammaanka si loo gubo.
Maxamed sh.Daahir oo ka mid ah Masuuliyiinta Shirkada Bolakoon oo saxaafadda uga warbixiyay badeecooyinka ay qabteen iminka,ayaa sheegay inay u badan yihiin waxyaabaha lagu faakihaysto ee ay ka mid tahay Shukulaato dhacday,isagoo intaa raaciyay in muddada yare e ay ka shaqaynayeen Dekedda ay gacanta ku dhigeen waxyaabo badan oo aan la isticmaali karin.
Mr;Daahir ayaa ganacsatada Soomaaliyeed faray ineysan dib dambe u keenin dalka wax ayan naftooda u quurin si xunna ayan wax ku raadin,isagoo xusay in laga baxay waqtigii fawdada uu dalku ku jiray.
Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa intooda badan looga bartay inay soo dejiyaan Badeecooyin aan tayo wenaagsan lahayn ama dhacay,kuwaasoo qiimo sare lagaga iibiyo bulshada u badan dan yarta.