Kismaayo-(PP)-Ugu yaraan Toddoba qof oo rayad ah ayaa ku geeriyootay duqeymo lixaad leh oo diyaaradaha dagaalka Kenya ka fuliyeen tuulada Beer-xaani oo qiyaastii 45 KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo.
Weeararkan ayaa yimid markii ay ciiidamada Jubba-land iyo kuwa AMISOM guluf xooggan ku dhaqaajiyeen degaanno dhowra oo ku xeeran magaalada Kismaayo,halkaasoo ay ku sugnaayeen Ururka Al-shabaab.
Dadka degaanka ay dhibaatadu ka dhacday ku sugan ayaa sheegaya in sidoo kale ay rushaynta ku dhammaadeen xoolo badan,qasaarooyin kalana ay jiraan,basle taasi waxaa ka gaabsaday saraakiisha ciidamada huwanta ee halkaasi ku duulay.
Ciidamada wada socda ayaa shan tuulo oo ay Beer-xaani ka mid tahay kala wareegay Al-shabaab, iyagoo wacad ku maray iney ka fara maroojin doonaan inta ay kaga sugan yihiin gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.
Puntlandpost.com