Maraykanka oo cambaareeyay shaqaaqadii Jabuuti ka dhacday

Jabuuti-(PP)-War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu muujiyay walaaca ku aadan rabshadihii dhowaan dhacay, iyadoo loogu yeeray dowladda Jabuuti inay sii deyso xubnaha mucaaradka ee la xiray.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka John Kirby ayaa ugu baaqay dowladda Jabuuti inay xushmeyso xuquuqda hadalka iyo tan bani’aadanimada.

“Waxaan ugu yeereynaa dowladda Jabuuti iyo siyaasiyiinta inay sameeyaan wada hadal looga fogaado rabshado dhaca mustaqbalka” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka, kaas oo intaasi ku daray, in mucaaradaka iyo dowladdu ay dib u billaabaan wada hadallada nabdeed si loo xaqiijiyo inay dhacdo doorasho nabad galyo oo cad sanadka 2016.

“Waxaan mar kale xaqiijineynaa taageerada aan u heyno wada hadalladan iyo ballan qaadka dowladda Jabuuti ee ku aaddan xoojinta dowladnimo dhameystiran iyo horrumar,” ayaa lagu soo gaba gabeeyay war-saxafadeedka ka soo baxay wasaaradda arimmaha dibbada Marykanka.

Dowladda Jabuuti ayaa ku eedeysay kooxo argagixiso inay ku lug lahaayeen rabshadahaas, ayna hubeysnaayeen, isla markaana rasaas ku fureen ciidamada booliska,taasoo ay sheegeen in lagu carqaladaynayo ammaanka dalka.

Puntlandpost.com