Haween Soomaaliyeed oo lagu dhibaateeyay Sacuudiga

JEDDAH-(PP)-Rag Sacuudiyaan iyo Afrikaan isugu jira oo soo xirtay dharka ciidamada booliiska dalka Sacuudiga, ayaa tacaddiyo fool xun oo isugu jira kufsi iyo dhibaateen kale waxa ay u geesteen labo gabdhood oo Soomaali ah.

Wargeyska Arab News ee xaruntiisu tahay boqortooyada Sacuudiga ayaa qoray in shan nin oo soo xirtay dareeska ciidanka booliiska ay afduubteen kadibka kufsi iyo dhibaatooyin kale u geesteen labo gabdhood oo Soomaali ah kuwaa oo kunoolaa Magaalada Jiddah.

Mid kamid ah gabdhaha la afduubtay loona geestay tacadiga ayaa ciidamada booliiska ku wargalisay dhibka loo geestay, waxa ayna sheegtay shan nin oo watay dareeska ciidanka booliiska ay qafaasheen ayna geesteen guri kuyaala bariga Jiddah halkaas ay fara xumeyn iyo dhibaatooyin kale ugu geesteen.

Haweeneyda ayaa Ciidamada booliiska geesay gurigii dhibka loogu geestay, halkaas oo laga soo qabtay mkid kamid ah ragii kufsiga geestay, waxa uuna ninkaas sidoo kale ciidamada booliiska ku wargaliyay halka ay joogaan ragii kale ee dambiga la galay, waxaana ciidamada usuurto gashay in dhamaan ragaasi soo qabtaan ayna xiraan.

War kooban oo kasoo baxay booliiska ayaa lau sheegay in eedeesanayaasha oo shan gaaraya dhamaan lasoo xiray ayna wajahayaan baaritaan, waxa ayna booliisku sheegeen inta shanta nin labo kamid ah ay yihiin sacuudiyaan halka laba kalana ay yihiin Afrikaan midka shanaad ayaan la sheegin dalka uu u dhashay.

Puntlandpost.com