Guddoomiyaha Xamar-Weyne oo sheegay in la jir-dilay

Muqdisho(Puntland Post) — Guddoomiyaha degmada Xamar weyne Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir ayaa sheegay in taliyaha booliska Gobolka Banaadir Jen. Cali “Gaab” Xirsi Barre uu jirdil u geystay, isla markaana ku xadgudbay xasaanadiisa.

Cabdulqaadir Maxamed oo u waramayay warbaahinta ayaa sheegay isagoo ku sugnaa Saldhiga Booliska Xamar weyne inuu Taliyaha la dhacay, bud, feer iyo haraanti, isla markaana uu korkiisa rasaas ka riday, mid ka mid ah ilaaladiisa,isagoo sheegay inuu isticmaalay awood xad dhaaf ah.

Gacan ka hadalkan loo geystay duddoomiyaha ayaa yimid markii taliyaga Boliiska gobolka Banaadir uu si qasab ah kaga saaray dadkii deggenaa muddada dheer xarunta Wakaaladda Filimada Soomaaliya, taasoo aan lagu sii war gelin maamulka degmada Xamar-weyneiyo shacabka halkaa ku noola intuba.

“Shacabka deegaanka ayaa xarunteyda igu yimid oo cabasho igu yimid, markii aan Taliyaha u tagay waxaa weydiiyay inuu warqad fasax ah heysto, wuxuu i dhahay waa tanaa warqadii, waxaa ku dhahay dadkaas in digniin la siiyo aheyd oo muddo loo qabto, wuxuu igu jawaabay hadii aad joojin kartid jooji, markaas waa ka soo tagay, saldhiga booliska ayaa imid, anoo fadhiya ayuu iigu yimid, asigoo bud wata, ka bax saldhiga ayuu u yahay, waxaa ku iri kama baxaayo, waa degmada aan mas’uulka ka ah waaye, markaas kadib anoo fadhiyo ayuu bud ila dhacay, feer iyo laad”ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Xamar weyne.

Guddoomiyaha Xamar weyne ayaa intaa ku daray inuu arrintan ku wargeliyay hay’adaha ammaanka dowladda, isla markaana uu ka sugayo jawaab rasmi ah,wuxuuna sheegay inay ku kala baxayaan isaga iyo taliyaha sharciga iyo nidaamka dowladnimo.

Qaar ka mid ah dadkii deggenaa xaruntii Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in aan wax ogeysiis ah la siin, isla markaana ciidamo uu watay Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir ay xoog uga saareen, ayna garaneyn meel ay caruurtooda iyo alaabtooda la aadaan.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Banaadir ee ku aaddan jirdilka uu sheegay Guddoomiyaha Xamar weyne inuu u geystay iyo meel ka dhaca uu ku sameeyay sharafka masuuliyadeed ee uu huwan yahay.

Puntlandpost.com