Muqdisho-(PP)-Munasabad lagu sii sagootinayay Ergeygii hore qaramada midoobe u qaabilsanaa Soomaaliya Danjire Nicholas key oo lagu qabtay magaalada Muqdisho,ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha Soomaaliya, Raisul Wasaaraha, Xubno ka tirsan labada gole iyo wakiillo Beesha Caalamka ka socday,kuwaas oo dhamaan ammaanay xafiiska uu madaxda ka ahaa Mas’uulkan la beddalay iyo hawlihii uu soo qabtay.
Wakiilkii hore ee Qaramada Midoobe u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya Danjire Nicholas key oo munasabadda ka hadlay ayaa xusay intii uu joogay Soomaaliya in uu ka bartay shacabka Soomaaliyeed waxyaabo badan,waan kuwa jecel buu yiri soo dhawaynta martida oo geesiyaal ah.
” Dadka Soomaaliyeed waa kuwo aad arkayso iyagoo arrimha qaar isku haysta hadana marka ay banaanka u soo baxaan isla qoslaaya, dhab ahaantii waa dad dhamaantood leh rajooyin ay ka mid yihiin sidii ay dalkooda u gaarsiin lahaayeen nabad iyo kala dambayn” ayuu yiri Danjire key.
Ra’iisal wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa tilmaamay in Danjire Nicholas key uu ahaa nin ka shaqeeyey xiriirka Qaramada Midoobe iyo Soomaaliya, isla markaan lagu xasuusan doono in uu xafiiskiisa u soo raray Soomaaliya dhawr sanadood kadib.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Somaaliya,Xasan Shiekh Maxamuud oo ugu danbaytii ka hadlay Munasaabadda Sagootinta Danjiraha ayaa uga magad celiyey Nicholas key sidii wanaagsanayd ee uu ula soo shaqeyey hay’addaha dowladda Soomaaliya iyo doorkii uu ku lahaa dib u soo kabashada dalka Soomaaliya.
Puntlandpost.com