Boliiska Kenya oo ka digay Weerarrada Al-shabaab xilliga ciidda Kirismas-ka

Nairobi-(PP)-Taliska ciidamada booliska dalka Kenya ayaa shacabka ugu baaqay in ay feejignaan dheeri ah ka muujiyaan waxyeellada uga imaan karta garabyada kala jabay ee ururka Al-shabab, kuwaasoo mid uu ku biiray khilaafada Islaamka halka kan kalena uu wali ka tirsanyahay Al Qaacida.

Laamaha amaanka Kenya ayaa si gaar ah uga digay,falalka liddiga ku ah nabadgelyada,waxanay fareen dadka in ay ka taxadaraan shaqaaqooyinka kooxahaasi ay geysan karaan inta lagu guda jiro waqtiga lagu jiro debaal degga  ciida Chrismaska.

Abaan-duulaha guud ee ciidanka booliska Kenya Joseph Boinnet,ayaa sheegay in garabka Al=shabab ee daacadda u ah Daacish ay imminka ka howlgalaan meel u dhow degmada Mandera, halka garabka ka tirsan Al-qaaciddana ay ku suganyihiin dhinaca koonfureed ee dalka iyo gudaha keynta Boni Forest.

Joseph Boinett ayaa sheegay in labada qayb ay ku tartamayaan sidii ay u qancin lahaayeen ururrada waaweyn ee ay gacan saarka la leeyihiin, sidaas awgeedna ay khatar galin karaan amaanka gobolka oo idil gaar ahaan Keny.

Mr;Boinet ayaa intaas ku daray in kooxda al shabab ee joogta agagaarka Mandera ay hogaamiyaan Isaak Osman Ali oo loo yaqaanno Okola, Abdifatah Basre iyo Mohamed Bilal ,halka garabka Al-qaacida ee ku sugan Boni Forest uu iyaguna hoggaamiyo Omar Ahmed Abdumanan.

Dadka reer Kenya oo u badan masiixiyiin ayaa isu diyaarinaya maalinta ciidda Kirismaska oo ku beegan Berri oo ay taariikhdu tahay 25-ka Decembar,waxana goobaha laysugu yimmaaddo ee dalkaasi si weyn looga hadal hayaa baqdinta laga qabo iney weerarro geystaan dadka ka soo horjeeda xafladaha sanadka cusub oo aan diinta Islaamka waafaqsanayn.

Puntlandpost.com

The Standard