Uhuru Kenyatta oo bogaadiyay Muslimiintii badbaadisay rakaabka

Nairobi-(PP)-Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa si weyn ugu riyaaqay tallaabadii ay ku dhaqaaqeen dadka Muslimiinta ah ee saarnaa Baskii maalintii Isniinta lagu weeraray Mandera, taasoo ay ku badbaadiyeen Masiixiyiintii la socday.

Kenyatta ayaa ku bogaadiyay sida geesinimada leh ee ay uga hor istaageen Ururka Al-shabab falkii isku dayga dil ahaa oo lagu ugaarsanayay Kiristaanka,wuxuuna hoggaamiyeyaasha gobolka ku boorriyay in ay u adeegaan shacabka, ka hor inta aysan danahooda gaarka ah qabsan.

Hadalka madaxweynaha ayaa yimid xili ay wasaaradda arrimaha gudaha sharaxaad ka bixisay qaabkii ay Muslimiinta saarneyd Baskii lagu weeraray degaanka Dabacity uga difaaceen kuwii masiixiyiinta ahaa ee ay isla safrayeen.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo isku duwidda ammaanka dalka Kenya Joseph Nkaissery ayaa dhawaan hambalyo taas la mid ah u diray dadkaasi oo uu sheegay in ay sameeyeen tallaabo ku dayasho leh oo ka turjumeysa midnimada shacabka Kenya ee kala diimaha ah.

Qaar ka mid ah dadkii goob joogayaasha ahaa ee baska la socday ayaa sheegay in haweenka Muslimiinta ay xijaabadooda u siibeen kuwa masiixiyiinta ah, iyagoo ay dhammaan dadka diideen in loo kala saaro muslimiin iyo Masiixiyiin.

Weerarkaas oo sidoo kale saameyn ku yeeshay gaari kale oo xamuul ah ayaa lagu dilay 2 ruux halka 3 kalena ay ku dhaawacmeen.

Bishii November ee sanadkii lasoo dhaafay ayay ahayd markii dableey ka tirsan Al-shabaab ay weerar kan la mida ku qaadeen Bas kasoo baxay Mandheera, halkaasoo ay ku dileen 28 qof oo aan muslimiin ahayn,markii ay kala sooceen dadka.

Puntlandpost.com