Muqdisho-(PP)-Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmihan ku sugnaa magaalada Beledweyne caasumadda gobolka Hiiraan ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho.
Xasan sheekh oo ay socdaalkiisa ku wehliyaan wasiirro iyo xildhibaanno ayaa intii ay ku sugnaayeen Beledweyne waxa ay kulamo la soo qaateen maamulka iyo qeybaha bulshada,si aragti mideysan looga yeesho maamul u samaynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe.
Waxanay sidoo kale madaxweynaha iyo wafdigiisa intii ay halkaa ku sugnaayeen soo dhammaystireen heshiiskii ay dhawaan gaareen laba beelood oo ay xurguf ku dhex martay magaalada Beled-weyne.
Madaxweynaha iyo wefdigiisa oo markii ay soo degeen loo gudbiyay xarunta madaxtooyada ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socda kaga war bixiyo saxaafadda waxyaabihii ugu soo qabsoomay safarkiisii saddexda cisho qaatay ee uu ku tagay magaalada Beled-weyne.
Puntlandpost.com