Kenya oo laga hadal hayo Muslimiin bedbaadisay Masiixiyiin la socday

Mandheera-Kenya-(PP)-Muslimiin rakaab ahaa oo la socday Bas marayay duleedka degmada Mandhera ee gobolka waqooyi bari Kenya ayaa bad baadiyay Masxiiyiin la saarnaa gaariga,xilli ay qabteen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Dhacdadan ayaa noqotay hadal heynta ugu badan ee warbaahinta dalkaKenya, waxanay wargeysyada, websaydyada,Idaacadaha kala duwanba ka ah wararka ugu horreeya dhacdadan oo fajac ku abuurtay bulshada Kiristanka ah.

Muslimiin Kenyan ah oo la socday gaariga rakaabka ahaa ayaa diiday in Masxiiyiintii la saarnaa Baabuurka gooni loo sooco,markii ay weerareen dabley hubeysan oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Qaar ka mid ah dadkan oo la hadlay warbaahinta gudaha Kenya ayaa sheegay in raggii qabtay ay ka diideen in koox koox loo kala sooco muslimiintii gaariga saarneyd.taasina ay keentay inay isaga tagaan.

“Waxaan ku dhahnay na dila dhamaanteen, ama na daaya”ayuu yiri mid ka mid ah dadkii rakaabka ahaa ee saarnaa gaariga baska ah ee la weeraray.

Illaa labo ruux ayaa ku dhintay weerarkaas, halka saddex kale ku ay dhaawacmeen,markii darawalka ka dhega adeegay inuu gaariga joojiyo joojiyo,taasoo keenyau iney tacshiirad ku furan Baska.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay weerarka ka dambeeyeen, iyagoo dhowr jeer oo hore weeraro xiriir ah ka fuliyay gudaha Kenya.

Sanadkii hore ayay aheyd markii gaari bas ah oo ay la socdeen Masiixiyiin una safrayay magaalada Nairobi lagu weeraray duleedka Mandhera, waxaana goobtaasi lagu laayay inta badan dadkii saarnaa oo u badnaa macallimiin Kiristan ah.

Puntlandpost.com