Kismaayo-(PP)-Ciidamada Maamulka Jubbaland iyo kuwa AMISOM ayaa maanta la wareegeen degaanno ku yaalla galbeedka magaalada Kismaayo.
Masuuliyiin ka tirsan Jubbaland ayaa sheegay in shan tuulo ay kala wareegeen Al-Shabaab,kuwasoo ay ka mid yihiin Beerxaani, Qudus iyo Cabdi Dhoore, ayna dib ka faah faahin doonaan qasaraha ka dhashay dagaalladii halkaasi ka dhacay .
Maamulka goboleedka Jubbaland ayaa horay u sheegay inay gacanta ku dhigi doonaan degaannada ka maqan gacantooda,oo ay inta badan ku xooggan yihiin dagaal yahannada Al-Shabaab oo haatan ay ka farcantay qayb taageersan Ururka Daacish.
Puntlandpost.com