Muqdisho-(PP)-Ciidamada ilaalada dekedda weyn ee magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku dhigay koonteenar ay ku jiraan saanad Millitery oo u raranaa ganacsato Soomaaliyeed.
Mid ka mida saraakiisha laamaha ammaanka ee Marsada Xamar ayaa sheegay inaan weli la baarin balse gacanta lagu hayo qaar ka mida raggii uu u rarnaa agabkan,haatanna ay ku socdaan waraysiyo lagu ogaanayo halka ay ka keeneen iyo halka ay u sideen.
Laamaha ammaanka dekedda weyn ee Muqdisho ayaa dhowr goor oo hore qabtay alaabo u rarnaa hoggaamiye kooxeedyo hore iyo Ururka Al-shabaab,balse ma cadda cidda ay saanaddani u socotay.
Puntlandpost.com