Danjire Kay oo sheegay inay soo kabanayso Soomaaliya

Muqdisho-(PP)-Wakiilka qaramada midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay, ayaa sheegey in dalka Somalia uusan hadda aheyn waddan guul dareystey balse uu yahay waddan bur bur ka soo kabanaya.

Danjire;Nicholas Kay, ayaa sheegey in saddexdii sano ee u dambeysey waddanka la xasiliyey balse ay weli howl badani harsan tahay.

Mr;Kay,ayaa sheegey in Ururka Al-Shabaab aysan ku guuleysaneynin in ay iska indha tiraan horumarka la gaarey balse waxa uu xusay in doonista qaar ka mida kooxdaasi in ay ku biiraan Daacish ay tahay walaac dhab ah.

Nicholas Kay, ayaa xafiiska Jinciyadda quruumaha ka dhaxaysa ee Soomaaliya ka tagaya dhammaadka bishan, waxaana lagu beddelay Michael Keating,oo isku waddan ay ka soo jeedaan.

Puntlandpost.com