Xasan sheekh oo kulamo xasaasiya la leh maamulka iyo Odayaasha Beled-weyne

Beled-weyne-(PP)-Madaxweynaha Soomaaliya ayaa weli ku mashquulsan kulamo xasaasi ah oo uu la qaadano masuuliyiinta, siyaasiyiinta iyo Odayaasha dhaqanka magaalada Beled-weyne.

Xasan sheekh Maxamuud ayaa ka daadejin la’ xubnaha ay halkaasi isku arkeen habka loo marayao maamul u samaynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe,iyagoo ka biya diiday inay Jowhar marti geliso shirka,caasumadna laga dhigo Buulo-burte.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Odayaasha iyo maamulka gobolka lagu qanciyay iney heli doonaan saami badan haddii ay oggolaadaan iney shirka martigeliso Jowhar,balse dadka u dhuun daloola kulamada ka socda Beled-weyne ayaa raja xumo ka muujinaya,iyadoo laga yaabo bey yiraahdeen in lagu kala dareero natiijo la’aan.

Waxaa lagu wadaa in caawa illaa iyo berri war cad laga soo saaro kulamada weli ka socda magaalada beled-weyne,sida ay qorsheynayaan madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ee halkaasi ku sugan, balse lama saadaalin karo waxa ka soo bixi doona shirarkan.

Puntlandpost.com