Jabuuti-(PP)-Ku dhowaad Labaatameeyo qof ayaa ku naf weyday Afartan kalena dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaadhay rabshado shalay illaa xalay ka taagnaa magaalada Jabuuti,markii ay rasaas ay is weydaarsadeen dad suufiya ah oo dhigayay xus iyo ciidanka ammaanka dalka Jabuuti.
Goobaha caafimaadka ayaa laga dareemayaa mashquul fara badan,dhaqaatiirta ayaa sheegaya iney dhinteen qaar ka mida dhaawacyadii shalay loo keenay.
Laamaha ammaanka ayaa ku jira heegankii ugu sarreeyay,iyadoo baaritaanno ay ka sameeyeen guud ahaan xaafadda Bel-bela oo ah halkii ay rabshaduhu ka billowdeen,waxaana waddooyinka qaar lagu arkayaa ciidamo gaar ah.
Dowladda jabuuti ayaa horay u sheegtay in rabshadahaasi ay sababeen markii tobaneeyo qof oo hubaysan ay is urursadeen isla markaan ay rasaas la beegsadeen ciidamada ammaanka,halka uu mucaaradkuna sheegay in weerarka ayaga lagu soo qaaday, laguna bartilmaameedsaday dad taageerayaashooda ah oo halkaa ku dhiganayay xus.
Ma jiraan warar madax bannaan oo ka soo baxaya rabshadaha ka soo cusboonaaday Jabuuti iyo eedeymaha ay isu jeedinayaan labada dhinac.
Maalmahan waxaa isa soo tarayay guux siyaasadeed oo ka soo baxaya mucaaradka, markii uu dhowaan shaaciyay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle inuu markii Afaraad isu soo taagayo xilka madaxtinimo ee dalka.
Puntlandpost.com
You must be logged in to post a comment.