Muqdisho-(PP)-Duqeymo ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee DRONE-ka loo yaqaan ka geysteen degaanka Shanta Ameerika oo hoostaga magaalada Kuntuwaarey ayaa la sheegaya in lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ururka Al-shabaab.
Sida wararka ay sheegayaan duqeynta ayaa lagu dilay Madaxii Jabhadeynta Al-shabaab oo magaciisa lagu soo koobay Abuu Cuteyba iyo Saraakiil kale, halkaasoo ka mid ahayd fariimada ugu waaweyn ee Ururka
Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabab ayaa isku gadaamay goobtii ay duqayntu ka dhacday waxanay xannibeen dhaqdhaqaayadii dadweynaha,mana jiro war ka soo baxay Al-shabaab ee ku aaddan ninka la dilay iyo weerarka loo geystay toona.
Dhinaca dadka ku dhaqan nawaaxiga ay duqayntu ka dhacday ayaa la sheegayaa iney waxyeello ka soo gaadhay,waxanay saraakiisha dowladda federaalka Soomaaliya sheegeen iney baarayaan dhibta ay sheeganayaan shacabka halkaasi ku dhaqan.
Puntlandpost.com