Lamu Kenya oo looga qaxayo Al-shabaab

Lamu-Kenya-(PP)-Dadka ku dhaqan degaanka Lamu ee gobolka xeebta dalka Kenya, ayaa billaabay inay halkaasi isaga barakacaan,markii ay cabsi ka muujiyeen cutubyo ka tirsan Ururka Shabaab oo halkaasi fariisimo ka samaystay isla markaana fariimo hanjabaad ah u diray.

Musa Genje ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen  Lix nin oo aad u hubeysan, kuwaasoo handaday kadibna ugu hanjabay in ay af duubanayaan, iyagoo markii dambena iska sii daayay,xilli ay keymaha degaanka Pandaguo u doonteen Malab.

Ninkan ayaa sheegay meesha uu ku arkay ragga hubaysan inay tahay meel 6 KM u jirta xaafadda uu deggan yahay, taasi oo walaac xooggan ku abuurtay,taasoo cabsi lixaad leh ku sii beertay dadka degaanka oo intoodii badnayd ka barakacay gurahooda.

Kaymaha Boni,ayaa la rumaysan yahay inay saldhigyo ku leeyihiin Ururka Al-shabaab, kuwaasoo  weerarro ku dhufoo ka dhaqaaq ah ku qaada xarumaha dowladda Kenya,iyo dadka masiiyiinta ah ee halkaasi ka dhow.

Puntlandpost.com