Jabuuti- (PP) —War-saxaafadeed maanta kasoo baxay xafiiska Ra’aysulwasaaraha dalka Jabuuti, C/qaadir Kaamil Maxamed ayaa lagu sheegay sababihii dhaliyay shaqaaqadii ka dhacday xaafadda Balbala ee magaalada Jabuuti.
Qoraalka ayaa lagu xusay in rabshadihii shalay dhacay ay ahaayeen kuwo lagu doonayo in carqalad lagu geliyo ammaanka dalka Jabuuti, iyadoo lagu sheegay inay soo abaabuleen kooxo xagjiriin ah oo ka tirsan mucaaradka dalka Jabuuti.
Wasiirka koobaad ayaa sheegay in dadkii dibadbaxyadan soo abaabulay aysan tixgelin war-saxaafadeed uu horay u soo saaray xafiiskiisa oo ahaa in muddo laba bilood ah aan la qaban karin wax muddaharaad ah,si looga hortago inay dhibaatooyin amni-xumo dhacaan.
War-saxaafadeedka uu soo saaray ra’aysulwasaaraha dalka Jabuuti ayaa lagu sheegay inay rabshadihii shalay ay sababeen khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira, inkastoo aan lagu xusin tirada dadka labada dhinac kaga dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay.
Dhanka kale, wasiirka arrimaha dibedda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf oo AFP la hadlay ayaa sheegay in toddoba qof ay ku geeriyoodeen shaqaaqadii shalay ka dhacday halkaas,kuna dhaawacmeen 73-qof, kuwaasoo uu xusay inay kala ahaayeen 50-askari oo ciidamada ka tirsan iyo 23-qof oo shacab ah.
Wararka ayaa waxay intaas ku darayaa in dadkii ay dhaawacyadu soo gaareen shalay uu ka mid ahaa; Wasiirkii hore ee Arrimaha Diinta & Owqaafta Jabuuti, Xaamud Cabdi Suldaan iyo xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Jabuuti.
Mucaaradka Jabuuti ayaa dhankooda shalay ku eedeeyay dhibaatadii dhacday ciidamada dowladda oo ay sheegeen inay weerareen shacab dhiganayay xus lana laayay, iyagoo axsaabta mucaaradka iyo dad goobjoogayaal ah ay xaqiijiyeen inay rabshadahaas ku geeriyoodeen 19-ruux oo shacab u badnaa.
Xaaladda magaalada Jabuuti ayaa maanta deggen, iyadoo isku socodka dadka iyo gaadiidka ay caadi kusoo laabteen, sidoo kalena ay furan yihiin goobaha ganacsiga, waxanay Boolisku nadiifiyeen goobihii ay shaqaaqadu ka dhacday.
Puntlandpost.com