Beled-weyne-(PP)-Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa shacabka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ugu baaqay inay kala shaqeeyaan dhismaha Maamulka gobolladaasi.
Wasiir Odawaa ayaa Sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay diyaar u Tahay sidii loo xoojin lahaa dhismaha Maamulkan, isagoo dadka gobolladan ku noolna ka codsady inay isku diyaariyaan inay samaystaan dowlad goboleed ay u dhanyihiin.
Hadalkan ayaa imanaya iyadoo madaxweynaha dalka iyo xunbo ka tirsan labada gole ee dowladda dhexe ay ku adkaatay inay ka dhaadhiciyaan maamulka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada reer Beledweyne wareegtadii dhawaan ka soo baxday madaxtooyada ee ku saab sanayd maamul u samaynta Hiiraan iyo Shabeellada dhexe.
Xasan sheekh Maxamuud ayaa xafiiskiisa ka soo saaray qoraal uu ku caddaynayo inay Jowhar marti gelin doonto shirka, Buulo-burtana ay noqon doonyto caasumadda maamulkaasi.
Puntlandpost.com