Muqdisho-(PP)-Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulan aan caadi aheyn oo ay dibad joog ka yihiin Saxaafadda.
Kulankan ayaa la sheegayaa inuu ku saabsan yahay arrimaha hiigsiga sanadka 2016 oo la qorsheynayo in Soomaaliya ka ay dhacaan nooc doorashooyin.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxmed Cusmaan Aadan ayaa sheegay in maanta oo Talaado ah ay yeelanayaan kulan qaas ah,wuxuuna faray xildhibaannada inay soo xaadiraan ka hor 10-ta barqanimo..
Kulankan ayaa lagu wadaa in warbixin looga dhageysto guddi xildhibaanno ah oo dhowaan ka qeyb galay shirarkii madasha wada tashiga ee ka dhacay magaalada Muqdisho.
Puntlandpost.com