Beled-weyne-(PP)-Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa iney maanta gaadhaan magaalada Beled-weyne ee casumadda gobolka Hiiraan.
Wefdiga oo uu ka mid yahay wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayuu qorshuhu yahay iney kulammo xasasi ah kala yeeshaan siyaasiyiinta gobolka hannaanka uu mari dooni maamul u samaynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe oo wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha lagu shaaciyay qaabka ay u dhici doonta iyo halka uu ku shaqayn doono.
Mas’uuliyiintan ayaa guddoomiyaha cusub ee Yuusuf daba-geed iyo madaxda gobolka kala sheekeysan doonta ka dhaadhicinta go’aanka dowladda dhexe iyo ka daadejinta siyaasadaha cusub ee lagu hagayo degannada iyo dadka ay metelaan.
Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa sidoo doonaya iney wada xaajood kale la furaan garab yadii ku dagaallamay dhawaan magaalada B/weyne xilli ay halkaa ku sugan yihiin xubno ka kooban labada gole ee dowladda oo halkaasi ku heshiisiiyay labada dhinac.
Xanshashaqa hoose ee safarka madaxda laga helaya ayaa waxaa kaloo ka mida,inuu gor-gortan la galo madaxweynuhu maamulka West-land State iyo sidii uu fara gelin ugu sammayn lahaa siyaasad ahaan iyo ciidan ahaan, si loo helo bulsho u mideysan mabaadii’da dowladda federaalka looguna gaaro doorashooyinka 2016-ka,xilli waqtiga u haray uu gebo-gebo yahay.
Puntlandpost.com