Mandheera-Kenya-(PP)-Laba qof ayaa ku geeriyootay saddex kalena wey ku dhaawacmeen ,markii kooxo hubeysan oo loo malaynayo inay ka tirsan yihiin Al-shabaa ay weerar ku qaadaeen gaari Bas ah oo maraayay inta u dhaxeysa Kutuloow iyo Ceel-waaq Kenya.
Julius Otieno oo ah Taliye ku xigeenka ciidanka booliiska Mandheera, ayaa u sheegay warbaahinta in dableey uu ku tuhmayo Al-Shabaab ay ka dambeyneen weerarkaas, isagoo intaa ku daray in dadkii saarnaa Baabuurkaas ay damceen iney u kala saaraan Muslimiin iyo Masiixiyiin laakiin uu waqtigu cirii ku ahaa.
Otieno, ayaa intaas ku daray iney ku raad joogaan kooxdii weerarkaas fuliyay,wuxuuna sheegay in dadka dhaawacmay ay kala ahaayeen labo qof oo rakaab ahaa iyo darawalkii Baabuurka waday.
Dadka degaanka ku dhaqan ayaa laamaha ammaanka Kenya ku war geliyay in seddexdii todobaad ee la soo dhaafay ay halkaasi yimmaaddeen ku dhowaad 200 oo Al-shabaab ah,markii ay ka soo tallaabeen dhanka Soomaaliya.
Dabayaaqadii sanaddii inna dhaaftay ee 2014-tii ayay aheyd markii rag Al-shabaab ka tirsan ay dad saarnaa Bas ku laayeen agagaarka Mandheera,iyadoo ay dadweynihii safarka ahaana u kala saareen Muslimiin iyo Masiixiyiin.
Puntlandpost.com