Caasimadda Hiiraan iyo Shabeellada dhexe oo laga dhigayo Buulo-burte

Muqdisho-(PP)-Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu dhawaaqay in magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe lagu qaban doono shirka maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale wareegtada ayaa lagu sheegay in magaalo madaxda Maamulka Hiiraan iyo Sh/dhexe ay noqoneyso degmada Buulo Burte ee Gobolka Hiiraan.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu tixgeliyay dareenka shacabka, isla markaana dhageystay soo jeedinta odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda labada gobol.

Hadaba Wareegtada ayaa u qorneyd sidan:-

XEER MADAXWEYNE LR. 86 TAARIIKH: 19/12/2015

MAGACAABIS CAASIMAD GOBALEEDKA MAAMULKA KMG AH EE HIIRAAN IYO SHABBEELLADA DHEXE

MADAXWAYNAHA J.F.S

Markuu Arkay : Qodobka 87aad, Xarafka ‘C’, Qodobka 90aad, Xarafka ‘K’ iyo 99aad, Xarafka ‘G’ ee
Dastuurka J.F.S.

Markuu Arkay : SharciLr. 116 ee soo baxay Ogosto 6, 2013 kuna saabsan sharciga maamullada Degmooyinka iyo Goballadadalka

Markuu Tixgaliyey :Dareenka dadweynaha iyo Soo jeedinta odoyaasha Dhaqanka iyo siyaasiyiinta ka soo jeedo Ee Goballada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe

Markuu Garwaaqsaday: in ay lagama maarmaan tahay ilaalinta wadajirka shacabka Soomaaliyeed iyo Xallinta khilaafaadyada iyo in ay jirto baahi loo qabo dhisidda Maamullada Gobollada Iyo Degmooyinka dalkasi ay u dhisman Dowlad- goboleedyo Dastuurka waafaqsan

WAXA UU SOO SAARAY XEERKAAN:

Qodobka 1aad

Waxauu Madaxwaynaha J.F.S ansixiyay laga billaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 19/12/2015 in Magaalada Buulaburde oo ka mid ah degmooyinka Gobalka Hiiraan ay noqoto Caasimadda Maamulka KMG ah ee Goballada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ay yeelanayaan.

Qodobka 2aad

Magaalada Jowhar oo ah magaalo madaxda Gobalka Shabeellada Dhexe ayaa noqoneysa MADASHA marti-galineysa shirka maamul-dhisashada Goballada Hiiraan iyo ShabeelladaDhexe.

Qodobka 3aad

Sagaashan (90) cisho gudahood buu maamulka cusub ee Goballada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe dhistaan ugu guuri doonaa magaalo madaxda maamulka oo ah Buuleburde.

Qodobka 4aad

Waxa uu Xeerkaan dhaqan gelayaa marka uu Madaxwaynuhu saxiixo, waxaana lagu soo daabici doonaa Faafinta Rasmiga ah Dowladda JFS.

MUQDISHO: 19/12/2015

Madaxweynaha J.F.S

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud