Nairobi-(PP)-Ugu yaraan 15 ruux ayaa ku dhaawacantay qarax galinkii dambe ee maanta ka dhex dhacay gaari Matatu ah oo marayay xaafadda Umoja ee magaalada Nairobi.
Dadka halkaasi ku waxyeelloobay oo dhammaantoodba ahaa rakaabkii gaariga saarnaa ayaa ku gubtay dab ka dhashay qaraxa, waxana intooda badan la dhigay Cuspitaallada,halkaasoo xaaladdooda iminka lagula tacaalayo.
Gawaarida gurmadka deg dega ah ee ambalaasta ayaa loo diray isbitaalkaasi si ay dhaawacyada daran ugu gudbiyaan isbitaalka weyn ee Kenyatta.
Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxa oo ahaa mid aad u weyn uu ka dhashay batariga gaariga oo ay cillad ku timid, kadibna isku beddalay dab baaxad leh oo saameeyay Baabuurka oo dhan,halka warar kale ay sheegayaan in qof ka mid ah rakaabka uu waday jirgaan shidaal ah, kaasoo loo maleynayo inuu qaraxa ka dhashay.
Taliyaha Booliska ee magaalada Nairobi Japheth Koome, ayaa sheegay in illaa iyo haatan aysan si rasmi ah u ogeyn waxa sababay shilkaasi qasaaraha lixaadka leh geystay,wuxuuna sarkaalkan intaa ku daray in ay qubaro u xil saareen si ay u baaraan waxyaabaha dhaliyay qaraxa ka dhacay gaadiidka dad weynaha.
Puntlandpost.com