Maalinta Boliiska Soomaaliyeed oo laga xusayo Muqdisho

Muqdisho-(PP)-Waxaa maanta laga xusayaa meelo badan oo tirsan dalka Soomaaliya sanad guuradii 72-aad ee ka soo wareegtay Aas aaska ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Goobaha ay haatan ka socdaan munsaabadaha waxaa ka mid ah dugsiga tababbarka booliska Jeneraal Kaahiye (School Polizia) degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir,waxana ka qeyb galaya madaxda ugu sareysa dalka, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo marti sharaf kale.

Cutubyo ka tirsan ciidanka booliska ayaa fagaaraha dugsiga tababbarka Jeneraal Kaahiye ku soo bandhigaya gaaddo ka cayaar loogu dabaaldegayo maamiltii dhidabbada loo aasay Boliiska dalka oo ku beegan 20-kii December sanadkii 1943-dii maanta oo kale.

Dhinaca kale taliyihii hore ee ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeyo Gaas Shariif Sheekhuna Maye ayaa fariin hambalyo ah u diray  ciidanka Booliska Soomaaliya isagoo ku sugan dalka Sweden,wuxuna in Boolisku uu yahay saldhigga laga unkay ciidamada kala duwan ee qarankeenu ku faano ,taasina ay caddeyn u tahay kartida iyo waxgalka Saraakiishii dhidibada u taagtay , isagoo Allah uga baryay inuu Jannada geliyo geesiyaasha Booliska ee naftooda ku waayay ilaalinta amniga qaranka iyo difaaca muwaadinka Soomaaliyeed.

20-ka Decembar ayaa ah maalin ku weyn ciidanak Boliiska Soomaaliyeed,waxaana debaalfegyo kala duwan laga sameeyaa inta badan magaalooyinka Soomaaliyeed,iyadoo munaasabadahaasina lagu falanqeeyo waxqabadka iyo Taariikhdii Boliiska Soomaaliyeed.

Puntlandpost.com