Beled-weyne-(PP)-Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu magacawday inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Yuusf Axmed Hagar (Daba-geed)
Guddoomiyihii hore ee gobolka C/fataax Xasan Afrax ayaa waxaa weli ku socota baaris la xiriirta ku lug lahaanshaha dil bishii hore loogu geystay Baladweyne Mahdi Xuseen Sheekhaal oo ka tirsanaa saraakiisha miina baarista qaramada midoobay.
Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha siyaasadda iyo amniga gobolka Hiiraan,Maxamed Ibraahim Cabdillaahi ayaa saxaafadda u sheegay in lagu soo war-galiyay magacaabista guddoomiyaha cusub.
Ma jirto wareegto rasmi ah oo ka soo baxday xafiisyada dowladda federaalka oo lagu caddeynayo magacaabista Yuusuf daba-geed,balse waxaa laga filayaa goor dhow uu war ka soo baxo Villa Soomaaliya.
Yuusuf Axmed Hagar ayaa dhowr jeer xilal ka soo qabtay gobolka Hiiraan,balse waa markii ugu horreysay ee uu si sharci ah ku qabto xilka guddoomiye-nimo.
Puntlandpost.com.