Muqdisho-(PP)-Xukuumadda Soomaaliya ayaa Maanta sheegtay in Ninkii ka dambeeyay dilka Allaha u naxariistee Hindiyo Xaaji Max’ed oo ka tirsaneyd shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya, ay gacanta ku heyso Dowladda Soomaaliya.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdullahi Colaad Rooble ayaa sheegay in Xukuumaddu ay ku guuleystay in gacanta lagu soo dhigo Qofkii ka dambeeyay Dilkii loo geystay Hindiyo Xaaji Maxamed.
Cabdullahi Colaad Rooble waxaa uu intaa ku daray in dhawaan dadka Soomaaliyeed iyo Warbaahintaba ay la wadaagi doonaan Ninkaasi oo ay soo bandhigi doonaan sida uu sheegay.
Waxaa uu sheegay in Ninka la qabtay uu yahay Ninka ka dambeeyay mu’aamaradda lagu dilay Hindiya oo uu isaga fuliyay dhawaanna lala wadaagayo Shacabka Soomaaliyeed.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Dowlada ay ku howlan tahay baaritaanka shaqsigaasi mar dhawna loo soo bandhigi doono Shacabka iyo Warbaahinta.
Marxuumad Hindiya Xaaji maxamed ayaa horraantii bishaan u geeriyootay dhaawaca ka soo gaaray qarax gaarigeeda loogu xiray.xilli ay ka soo laabatay Jaamicadda SIU (Somali International University) ee magaalada Muqdisho.
Puntlandpost.com