Jalalaqsi-(PP)-Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo ay kaabayaan kuwa AMISOM ayaa maanta kula dagaallamay tuulada Ceel-muluq oo hoos tagta degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.
Guddoomiye ku xigeenka degmada Jalalaqsi Xuseen Ibraahim Madoobe ayaa sheegay in dhankooda ay ka dhinteen Laba Askari ayna ka dhaawacmeen Saddex kale,islamarkaana ay gacanta ku dhigeen deegaanka lagu dagaalamay.
Al-Shabaab oo ka hadlay dagaalka, waxa ay sheegeen in Saddex askari oo Jabuutiyaan ah ay dileen kana gubeen gaadiid dagaal,islamarkaana ay gacanta ku hayaan meelihii lagu dagaallamay.
Lama hayo warar madax bannaan oo ka soo baxaya degaanka Ceel-muluq,balse dad ka ag dhowaa goobaha lagu diriray ayaa sheegaya inuu dagaalku ahaa mid culus oo saacado badan soconayay.
Puntlandpost.com