Turkiga oo heegan kaga jira Al-shabaab

Ankara-(PP)-Saraakiisha Booliska Turkiga ayaa soo saaray Digniin ku aadan weeraro ay sheegeen in laga filan karo kooxda Al-Shabaab ee dalka Somalia iney ka geystaan gudaha dalkaasi.

Waxaa Digniinta loo kala diray dhamaan 81-ka Gobol ee uu ka kooban yahay dalka Turkiga, si ay Taxadar dheeraad ah uga muujiyaan ka-hortagga weeraro noocaas ah.

Wargeyska The Milliyet Daily ee ka soo baxa Turkiga ayaa lagu shaaciyey in dhamaan waaxyaha Booliska Turkiga looga digay in xubin ka tirsan Al-shabaab oo magaciisa ay ku sheegeen Bihaari uu qorsheynayo inuu qaraxyo ka fuliyo Turkiga.

Bihaari ayey sheegeen inuu horey u joogi jirey magaaladda Istanbul, isagoo gacan ka helay Sarkaal ka tirsan dowladda Somalia oo magaciisa lagu sheegay Xuseen C/casiis C/risaaq, sida lagu xusay warbixinta boolisku soo saareen.

Warbixinta Booliska Turkiga waxaa kaloo lagu muujiyey inuu jiro eedeysane kale oo ka tirsan Al-Shabaab oo magaciisa lagu soo koobay D.X. kaasoo la sheegay inuu Khabiir ku yahay diyaarinta Qraaxyada, kaasoo haatan wax ku baranayo dalka Turkiga.

Warbixinta waxaa kaloo lagu xusay inay suurtogal tahay inuu eedeysane kale ku lug leeyahay qorshaha weeraradda lala maagan yahay Turkiga, kaasoo magaciisa lagu sheegay Ahmed Ibrahim Baarleex oo wax ku bartay gudaha dalka Turkiga.

Digniinta ka soo baxday Booliska Qaranka Turkiga ayaa ah digniintii ugu horreysay ee lagu sheego inay Al-shabaab maleegayaan weeraro ay ka geystaan gudaha dalka Turkiga.

Al-shabaab ayaa horey waxay horey weeraro uga geysteen dalal ka baxsan Somalia, sida Kenya, Ugandha iyo Jabuuti oo ciidami u soo diray howlgalka AMISOM ee Somalia ka socda.

Puntlandpost.com