Muqdisho-(PP)-Taliyaha hey’adda nabadsugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya Gen; C/raxmaan Maxamed Tuur Yare ayaa sheegay in dhallinyarada ugu badan ee Soomaaliya isku qarxiya ay yihiin kuwa ka yimaadda qurbaha.
Gen;Tuur Yare ayaa hadalkan ka jeediyay shirka weynaha dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka furmay magaalada Muqdisho, isagoo si gaar ah ula hadlay dhalinyarada dibedda ka timid ee ka qeyb galeysa shirkaas.
Taliyaha ayaa intaa raaciyay inaan la oggolaan dadka qurbaha ku nool ee lacagaha u soo dira Al-Shabaab iyo kuwa masaajidda fadhiya ee da’yarta ku boorrinaya inay waddankii tagaan oo ay isa soo qarxiyaan.
“Dhalinyarada qurbaha ka timid waa kuwo ugu badan ee isku qarxinaya Soomaaliya, dadka qurbaha ayaa la hadla, waa inaad iska diidaan masaajidada la idinka soo dirayo oo aad dhahdaan ma yeeleyno”ayuu yiri Jen. Tuur Yare.
Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay dhalinyarada qurbaha in baraha bulshada ay u isticmaalaan sidii looga hortagi lahaa dadka raba inay qaldaan.
“Waa la socotaan Al-Shabaab waa daciif, maantana waxay marayaan meesha ugu daciifsaneyd, dagaalkooda wuxuu ku soo haray gaari is qarxinaya iyo qof is qarxinaya, ilaa intee ayay sii wadi karaan, ma sii wadi karaan waligood”ayuu yiri Jen. Tuur Yare.
Dhallinyaro badan oo qurbaha ka timid ayaa ka bar bar dagaallama Al-Shabaab, waxaanay ka qeyb qaataan inta badan weerarrada iyo qaraxyada ka dhaca guud ahaan dalka Soomaaliya.
Puntlandpost.com