Midowga Afrika oo ciidamo geynaya Burundi

Addis Ababa-(PP)-Midowga Afrika oo kulan ku yeeshay magaalada Addis Ababa waxay isku raaceen qorshe qabyo ah oo ciidamo nabad ilaalin loogu dirayo dalka Burundi, si loo ilaaliyo dadka rayidka ah.

Ciidamada loo dirayo ayaa gaaraya 5-kun askar aad u xoogan, iyadoo qorshaha ciidamo dirista aan wax fasax ah looga baahnaan doonin dowladda Burundi.

Wakaalada wararka ee Reuters ayaa ka soo xigatay Saraakiisha Golaha nabadgelyada iyo Amniga Midowga Afrika in qorshahan uu u baahnaan doono inay isku raacaan Madaxweynayaasha Midowga Afrika.

Sidoo kale Qaramada Midoobey ayaa looga baahnaan fasax ciidamadan, iyadoo Midowga Afrika uu doonayo inuu deg deg u fara geliyo qalalaasaha ka taagan Burundi.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in 400 ruux la dilay, tan iyo markii bishii April Madaxweyne Peirre Nkurunziza uu ku dhawaaqay inuu mar saddexaad uu u tartamayo xilka, taasoo ay ka dhasheen mudahaaraadyo rabshado wata.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa ka jiray magaalooyinka Burundi dilal iyo rabshado, waxaana jimcihii la soo dhaafay wadooyinka Caasimada Bujumbura lagu arkayay meydad ku dhow 50-ruux oo rasaas lagu dilay.

Burundi ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga kumanaan askari oo qeyb ka ah howl galka Midowga Afrika ee AMISOM.

Puntlandpost.com