Nairobi-(PP)-Hay’adaha ammaanka dalka Kenya ayaa baahiyay magacyada iyo sawirrada dadka ay ugu doon doonista badan yihiin, kuwaasi oo ay sheegeen iney dambiilayaal ka yihiin gudaha dalka Kenya.
Dadweynaha Reer Kenya ayaa laga dalbaday iney laamaha ammaanka ku soo wargeliyaan waxii macluumaad ah oo ay ka hayaan dadka lasoo bandhigay sawirradooda iyo magacyadooda.
Dadkaasi kenya ay soo bandhigtay magacyadooda ayaa la sheegay iney yihiin kuwo hubeysan oo si aad ah looga doon doonayo gudaha dalka Kenya, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay laamaka ammaanka Kenya.
Dadkaasi waxaa magacyadooda kamid ah C/Fataax Abuubakar Cabdi, oo ka soo jeeda Soomaaaliya, waxaana la sheegay in ninkan horey looga soo masaafuriyay gobolka xeebta ee ay muslimiintu u badan yihiin.
Ragga kale oo u badan Kenyaan ayaa waxaa ka mida Cabdalla Muumin Cabdalla, Suleymaan Maxamed Cawad, Abdalla Siraj Marun, Maxamed Cali Axmed iyo Xuseen Siyaad Omar kuwaasi oo la sheegay iney yihiin dad la doon doonayo laguna heysto doorkii ay ku lahaayeen weeraradii ka dhacay Mpeketoni.
Ururka Al-shabaab ayaa inta badan weerarro ku dhufoo ka dhaqaaq ah ka geysta degaanka Mpeketoni oo ka tirsan Lamu iyo guud ahaan dalka kenya,waxanay dowladda Kenya halkaasi u dirtay ciidamo aan weli ku guuleysan iney soo af-jaraan hawl gallo ay halkaasi ka sameeyeen marar badan.
Puntlandpost.com