Faah-faahin ka soo baxday qaraxii ka dhacay waddada Maka Al-Mukarrama

Muqdisho-(PP): Ugu yaraan Sadex qof oo rayid ah ayaa ku geeriyootay Toddoba kalena wey ku dhaawacmeen qarax gaari miineysan oo maanta ka dhacay waddada Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho, sida uu wakaaladda wararaka Reuters khadka telefoonka ugu sheegay Major. Nuur Faarax oo ka tirsan ciidanka boliiska Soomaaliyeed.
Toddobada qof ee dhaawacu soo gaaray ayaa la sheegayaa inuu ka mid yahay guddoomiyaha gobolka Gal-gaduud Xuseen Cali Wehliye (Cirfo) markii gaarigiisa uu eryaday baabur kale oo ay saarnaayeen rag hubeysan rasaasna ku fureen, wax yar ka hor qaraxa weyn ee halkaasi ka dhacay.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in wax yar ka dib qarxay gaari miineysnaa oo yiillay waddada dacalkeeda gaar ahaan ka soo horjeedka Ex-Shineemo Soomaaliya,waxaanay dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen dadkii ka ag dhowaa goobta ay wax ka dhaceen.

Ciidamada kala duwan ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo kooxaha gurmadka ayaa meesha ka qaaday dhaawacyo lagu qiyaasay lix qof, iyadoo uu bur-bur xooggan soo gaaray goobihii ganacsi ee agagaarahaa ku yiillay.
Ma jirto koox sheegatay weerarkan, iyo cidda loola dan lahaa toona, iyadoo illaa iyo haatan ay xiran tahay waddadii ay wax ka dhaceen.

Puntlandpost.com