USA-(PP)-War saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa looga hadlay go’aanadii ka soo baxay shirkii madashada wadatashiga qaranka , kaas oo maalin ka hor magaalada Muqdisho lagu soo gunaanaday.
Waxaana loogu baaqay in mas’uuliyiinta Soomaaliya ay heshiis kama dambeys ah oo ku saabsan qaabka doorashada sanadka 2016 gaaraan 10 bisha Janaayo ee soo socota.
Mareykanka ayaa sheegay in madashada ay ku dadaashay sidii loo heli lahaa muwaafaqo loo dhan yahay isla markaana hufan iyo sidii loo unki lahaa hannaan doorasho oo sharci ah loogu qaban lahaa gudaha Soomaaliya sanadka soo aadan ee 2016.
“Waxaan soo dhaweynaynaa mabaadi’da heshiiska baaqa Muqdisho kaas oo aasaas u ah hanaan doorasho oo dimoqraadi ah oo lamid ah kii 2012. Waxaan dhamaan ka qeybgaliyaasha ku boorinaynaa in ay muujiyaan sida ay ugu go’an tahay xal kama dambeyn ah in la gaaro 10 Janaayo 2016”. Ayaa lagu yiri war saxaafadeedka
Dowladda Mareykanka waxaa ay si xooggan u taageersan tahay go’aanka ah in aan muddo korarsi jirin marka uu dhammaado waqtiga hey’adaha hadda jira, waxaana taageerayaan go’aankii golaha ammaanka ee qaramada midoobay kaas oo tirsigiisu ahaa 2232.
Sidoo kale waxaa la adkeynayaa xiriirka ka dhexeeya shacabka iyo dowladda Soomaaliya si loo dardargeliyo dib u dhiska waddanka iyo dadaalada horumarineed ee hadda ka socda dalka.
Mareykanka waxaa uu baaqi ku ahaan doonaa taageerada uu siiyo dadka iyo dowladda Soomaaliya, waxaana sii wadi doonaa taageeradaasi si loo xaqiijiyo dadaalada lagu soo celinaayo nabadda iyo midnimada si loo gaaro mustaqbal ifiya.
Puntlandpost.com