Sharciga dhismaha ciidanka Badda oo la ansixiyay

Muqdisho-(PP)-Golaha wasiirrada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si buuxda u ansixiyay sharciga dib u habeeynta, dhismaha ciidanka Badda iyo difaaca xeebaha dalkeena, ka dib kulamkoodii todobaadlaha ahaa ee ay ku yeesheen Muqdisho.
Afhayeenka xukuumadda C/salaan Caato ayaa warbaahinta u sheegay in golaha wasiirrada ay maanta ansixiyeen sharciga dhismaha ciidanka Badda, kaasoo uu tilmaamay in ay soo diyaarisay wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Wuxuu intaasi ku daray Afhayeenku in sharcigan uu kulanka golaha wasiirrada soo hordhigay wasiirka Gaashaandhigga Jeneraal c/qaadir Sheekh Cali Diini kaddibna uu goluhu meel mariyay sharcigaasi.
Afhayeenka ayaa xusay in sharcigan ay soo diyaariyeen qubaro aqoon durugsan u leh dhismaha ciidamada Badda, isagoo hoosta ka xariiqay in dhismaha ciidamada Badda uu faa’iidooyin badan u leeyahay ummadda Soomaaliyeed.
Afhayeenka ayaa ku nuux-nuuxsaday in wax qabadka ciidamada Badda ay ka mid tahay ka hortagga wasaqda iyo suntan lagu shubo baddeena, iyo ilaalinta guud ahaan xeebaha dalkan Soomaaliya.

 

  Puntlandpost.com