Muqdisho-(PP)-Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furey shirweynaha dhallinyarada Soomaaliyeed,kaas oo ay qaban qaabadiisu lahayd wasaaradda dhalinyarada iyo Sportiga dalka.
Shirkan oo ay ka soo qayb galeen da’yar ka kala socda maamullada dalka,xubno ka yimi qurbaha iyo quburo ka socota beesha caalamka.
Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed C/laahi Nuux oo furitaanka kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ujeeddada shirweynahan uu yahay sidii loo heli lahaa siyaasad lagu mideysan yahay oo dhallinyarada Soomaaliyeed ay leeyihiin, taas oo ay garwadeen ka tahay wasaaradda dhallin yarada dalka.
Ra’iisulwasaare dalka Cumar C/rashiid Cali oo si rasmi ah u furey shirweynaha dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa sheegay in farxad weyn ay u tahay maanta maadaama loo fadhiyo aayaha da’yarta wadanka iyo ka fekerka mustaqbalkooda.
Shirkan ayaa lagu wadaa inuu soo xidhmo berri,iyadoo la filayo iney ka soo baxaan qodobbo wax ku ool u ah dhallinta Soomaaliyeed,bacdamaa ay yihiin tiirka asaaska u ha bulshada guud ahaan.
Puntlandpost.com.