B/weyne-(PP)-Guddiga nabadeynta beelihii dhowaan ku dagaallamay magaalada B/weyne ayaa gaaray fariisinnada ku meel gaarka ah ee la kala dejiyay ciidamadii ay dirirtu dhex martay,iyagoo si weyn ula dardaarmay malleeshiyaadka hubaysan.
Xubnaha guddida oo isugu jira qaar ka mida golaha wasiirrada Soo,aaliya iyo duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ujeeddada kormeerkoodu yahay u kuur-gelidda sida labada dhinac ay ugu hoggaasameen baaqa xabbad joojinta ah iyo kala fogeynta malleeshiyaadka.
Wasiiirka madaxtooyada Soomaaliya, Mahad Salaad oo ka hadllay mid ka mid ah goobihii ay booqdeen, ayaa sheegay inay wax lagu farxo tahay in xabadda la joojiyo labada dhinacnna u hoggaasamaan baaqa dowladda iyo waxgaradka gobolka.
Wasiirka Amniga gudaha Soomaaliya, C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in ciidamada labada dhinac la kala dajin doono Burjada Ciinta, iyo Farma-jabaaleey ee duleedka magaalada Beledwyene, isaga oo debleydana kula dar-daarmay in ay nabadda ilaaliyaan.
Wasiirka ayaa u mahad-celiyay waxgaradka iyo odayaasha labada dhinac, isagoo si aad ah ugu ammaanay sida ay nabadeynta ugu hoggaasameen, wuxuuna ka rajeeyay inay dhameystiraan inta ka harsan soo afjaridda colaadda mararka badan soo noq-noqtay.
You must be logged in to post a comment.