Addis Abeba-(PP)-Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalagn ayaa ugu hanjabay xoogag uu ku sheegay inay nabada ka soo horjeedaan in tallaabo laga qaadi doono, iyadoo dibad baxyo muddo saddex todobaad galay uu ka socdo Gobolka ay degaan Qowmiyadda Oromada.
Mr Desalagn oo la hadlayay warbaahinta dowladda ayaa sheegay dadka dibad baxa wada ay ku jiraan kooxo qaswadayaal ah, kuwaasoo uu ku eedeeyay inay gubeen xarumo dowladeed iyo hanti dadweyne.
“Waxaa ognahay kuwa xoogaga qaswadayaasha ah inay dileen xoogaga ammaanka, waxay gubeen xarumaha dowladda iyo hantida dadweynaha”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Desalagn.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in dowladda ay gudaneyso Mas’uuliyadeeda, isla markaana ixtiraameyso dastuurka, waxaana uu intaa ku daray in Xukuumada iyo shacabka ay qaadi doonaan tallaabo ka dhan ah kooxaha qaswadayaasha ah.
Dibad baxyada ka socda Gobolka Oromada ayaa waxaa ku dhintay tiro ku dhow afartameeyo ruux, inkastoo dowladda Itoobiya ay sheegeyso in illaa shan ruux ku dhinteen.
Rabshadahan ayaa ka dambeeyay markii dowladda Itoobiya ku dhawaaqday qorshe lagu ballaarinayo Caasimadda Addis Ababa, isla markaana qeyb ka mid ah Gobolka Oromada lagu soo biirinayo, taasoo dadka Oromada ah ku tilmaameen mid meel ka dhac ku ah madax banaanida iyo dhaqanka Oromada
Hey’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ku eedeysay dowladda Itoobiya dilka illaa afartan ruux, iyadoo tilmaamay in dowladda ujeedadeeda tahay in dadka dibad baxyada wada ay ku xiriiriso inay xiriir la leeyihiin Argagixisada, si ay qiil uga dhigtaan cadaadiska iyo cabsi gelinta ay ku hayaan.
Puntlandpost.com