Mombasa-Kenya-(PP)-Arday horay uga tirsanaa Jaamacadda Maseno University ee dalka Kenya laguna eedeeyay inuu ka tirsanaa Al-shabaab ayaa sheegay inuu yahay dhibbane laga been abuurtay.
Samuel Wanjala Wabwile (Saalim) ayaa sheegay in ay masabiteen waaliddiin aan muslimiin ahayn iyo maamulka Schoolka uu wax ka dhigi jiray,markii ay ku tilmaameed in degaanka Kilifi uu dhallin yaro u dagaallanta uga qorayay ururka Al-shabaab.
Isagoo ka hor hadlayay maxkamadda ayuu intaas ku daray in dad isaga cadow ku ah ay doonayeen in ay shaqada Schoolka ka eryaan, wuxuuna ku cataabay in haddii waalidiinta iyo maamulka Schoolkaba ay u sheegi lahaayeen inay shaqada ka eryanayaan inuu isaga tagi lahaa halkaas.
Wabwile ayaa markii uu diinta islaamka qaatay magaciisii hore u baddalay Salim Muhamuud Wawbile,markaasoo ay ka xumaadeen dad badan oo qaraabadiisa iyo asxaabtiisa ka mid ahaa, isagoo xabsiga ku jiray tan iyo bishii April ee sanadkaan.
Eedeysanahaan oo ay maxkamadeyntiisa socoto ayaa sidoo kale beeniyay sheegashooyinka kooxda dacwad oogayaasha ah oo ahaa in jaamacada Maseno laga eryay kadib markii uu arday toorri la dhacay.
Wax barashada jaamacadda ayuu sheegay inuu isaga tagay sanadkii 2011-kii,markii uu dhibaato kala kulmay qalalaase ka dhex jiray ardayda halkaa dhigata.
Garsooraha maxkamadda Mombasa ee dacwaddiisa dhageysaneysa Marwo Diana Mochache ayaa sheegtay in ay xukunkeeda ku dhawaaqi doonto 7-da bisha January ee sanadka soo socda ee 2016-ka.
Sooyaal;PP